A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Somali News

Tallaallada COVID-19 ayaa usbuuca dambe u furmaya dhammaan saddexda gobol ee Siouxland.

Gobolka Nebraska wuxuu qorsheynayaa inuu u oggolaado qof kasta oo 18 sano ama ka weyn in la tallaalo laga bilaabo Isniinta, Abriil 5teeda.

Gudoomiyaha gobolka Iowa Kim Reynolds ayaa sheegtay inay diirada saareyso sidii talaalka loo galin lahaa dhamaan dadka xaq u leh ee Iowans, oo ay ku jiraan kooxaha laga tirada badan yahay iyo kuwa soogalootiga ah Reynolds wuxuu leeyahay cilmi baarista ka socota CDC waxay muujineysaa in talaalku yahay habka ugu fiican ee looga badbaadi karo nafteena iyo dadka kaleba COVID-19. Dadka jira 16 iyo wixii ka weyn waxay xaq u leeyihiin laga bilaabo Isniinta.

Reynolds waxay tiri haddii heerarka tallaalka ee hadda jira ay sii socdaan, 75% dadka xaqa u leh ee Iowans ayaa la tallaali doonaa horaanta bisha Luulyo.

Qof kasta oo South Dakota ah 17 sano iyo wixii ka weyn wuxuu xaq u yeelan doonaa tallaal ka dhan ah COVID-19 laga bilaabo usbuuca soo socda. Ku dhawaaqiddu waxay timid iyadoo dhawaanahan ay kor u kacday kiisaska gobolka oo dhan.

Balanqaadyada loo maro Caafimaadka Degmada Siouxland wali waxay diyaar u yihiin rugaha talaalka ee waaweyn Talaadada iyo Khamiista soo socota Xarunta Siouxland Expo Center ee Magaalada Sioux. Tallaalka Pfizer waxaa heli kara dadka deggan Iowa ee jira 16 iyo wixii ka weyn.

Saraakiisha caafimaadka ee Degmada Woodbury waxay ku dareen 42 kiis oo cusub oo ah COVID-19 24-kii saac ee la soo dhaafay. Waxay kula taliyaan dadka inay guryahooda la joogaan markay jiran yihiin, iska ilaaliyaan dadka badan, oo ay qaataan tallaalka marka la heli karo.

Heerka tijaabada ee 14-maalmood ee Gobolka Woodbury waa 7.1%. Taasi waa wax yar. Heerka gobolka oo dhan waa 4.6%.

Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Iowa waxay soo bandhigtay in kabadan 500 oo kiis oo cusub oo ku saabsan cudurka cusub ee coronavirus-ka mana jirto dhimasho cusub.

Waxaa jira 191 bukaan jiif ah oo qaba cudurka fayraska gobolka, iyadoo 17 lagu daaweynayo Sioux City laba cosbitaal.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content