A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Badhasaabka Nebraska wuxuu leeyahay dadweynaha guud ee gobolka waxay bilaabi karaan inay helaan tall

Badhasaabka Nebraska wuxuu leeyahay dadweynaha guud ee gobolka waxay bilaabi karaan inay helaan tallaalka COVID-19 horraantii Abriil ama Maajo.

Pete Ricketts wuxuu uqadiyaa tallaabada kororka qiyaasaha, oo ay kujirto ansixinta tallaalka cusub ee Johnson iyo Johnson.

Gobolku wuxuu bilaabi doonaa talaalka da'da 50 ilaa 64, oo uu ku xigi doono 16 ilaa 40. Ricketts ayaa qirtay in gobolka uu u baahan yahay inuu horumariyo darajadiisa qaran iyadoo la qeybinayo talaalka.

(Gobolku wuxuu ku qiyaasey in 6.5% dadka Nebraska ay hada heleen labada qiyaasood ee talaalka loo baahan yahay. Nebraska waxay u qeybisey qiyaastii 74% qiyaasta talaalka ee ay heshay.

Laga soo bilaabo Arbacadii Iowa, waxay ku jirtay kaalinta 27aad ee gobollada iyada oo qiyaastii 11% dadka deggan ay heleen hal ama in ka badan oo tallaal ah.)

Magaalada Iowa, Aqalka Wakiilada iyo Guurtida Senate-ka waxay si dhakhso leh ula socdaan biil soo gaabin doona muddada codbixinta laga bilaabo 29 maalmood ilaa 18 isla markaana isbedello kale oo ballaadhan ku samaynaya sharciyada doorashooyinka gobolka.

Dhageysiga dadweynaha waxaa loo qorsheeyay fiidnimada Isniinta, Goluhuna wuxuu u codeyn karaa biilka isla Arbacada soo socota. Jadwalkan ayaa aad uga dhakhso badan waxa caadiga u ah sharci dejinta.

Sahan cusub oo bille ah oo laga sameeyo baananka ayaa soo jeedinaya in dhaqaaluhu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo qeybaha miyiga ah ee 10 Bannaan iyo gobollada Galbeedka, oo ay ku jiraan dhammaan saddexda gobol ee Siouxland. Si kastaba ha noqotee, shaqaalaynta ayaa ka hooseysa heerkii ay ahayd ka hor intaan cudurka faafa ee coronavirus uusan bilaabmin sanadkii hore. Isugeynta guud ee gobolka ayaa u kordhay 53.8 bishii Febraayo laga bilaabo Janaayo 52. Dhibco kasta oo ka sareysa 50 waxay soo jeedineysaa dhaqaale koraya.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content