A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Somali News

Qorshayaasha qeybinta tallaalka waxaa ka wada hadli doona gelinka dambe ee Isniinta saraakiisha caafimaadka bulshada ee Siouxland. Waaxda Caafimaadka Degmada Siouxland iyo Waaxda Caafimaadka ee Degmada Dakota waxay qaban doonaan shir jaraa'id gelinka dambe ee Isniinta Machadka Amniga ee Galbeedka Iowa Tech, si ay u bixiyaan macluumaad la xiriira qorshooyinka tallaalka COVID19. Shirkaas jaraa’id waxaa lagu wadaa 1:30 pm. Isniinta.

Caafimaadka Degmada Siouxland wuxuu sheegayaa inay jiraan 88 xaaladood oo lagu daray wadarta tirinta kiisaska 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Degmada Woodbury wali waxay la kulmaysaa faafin ballaaran oo bulshada ah oo ah COVID-19 waxaana jira isbitaalo la seexiyay oo 66 la xiriira coronavirus-ka Siouxland.

Coronavirus wuxuu kusii kordhayaa Iowa. In kabadan 1 kumanaan kun oo reer Iow ah ayaa u dhintey COVID-19, sida ku cad falanqaynta Des Moines ee waaxda Iowa ee xogta caafimaadka bulshada.
In ka badan 90% dadka dhintay waxay ahaayeen 60 ama ka weyn.
Waaxda caafimaadka ayaa maanta soo tabinaysa 77 kale oo dhimasho ah oo COVID-19 ah iyo 2,057 kiis oo dheeri ah oo la xaqiijiyay. Gobolka waxaa soo maray wadar ahaan in kabadan 274, 000 kun oo kiis oo wanaagsan oo ah COVID-19 iyo in kabadan 3,000 oo dhimasho ah.

Dhimashooyinka qaar waxay ka imaadeen xilli hore faafida iyada oo tirada gobolka ay marayso habka isbedelka. Sidoo kale, dhimashada COVID-19 waxay qaadan kartaa illaa toddobaad in lagusoo wargeliyo websaydhka gobolka ee Coronavirus.Iowa.gov.

Waxaa jira 833 Iowans oo la seexiyay COVID-19. Saddex meelood saddex meel bukaanadaas, COVID-19 waa ogaanshaha koowaad.

Nebraska ayaa laga yaabaa inay ka nasato xannibaadaha coronavirus ilaa iyo berri, ka dib markii dhowaan hoos u dhac ku yimid bukaanada jiifa isbitaalka. Tirada bukaanada coronavirus ee ku jira isbitaalada Nebraska ayaa umuuqata inay hada xasilloonyihiin inkasta oo ay wali tiradu sare u kacayso.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in 779 qof la dhigey isbitaalka fayraska ilaa xalay, tiradaas oo aan wali isbadelin dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey.

Laakiin saraakiisha gobolka ayaa carabka ku adkeeyay in dadka deegaanka ay wali ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay iyo meelaha xiran si looga ilaaliyo inuu faafo.  

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content