A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Somali News 06.08.21

Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Iowa ma soo warineyso dhimasho dheeraad ah sababo la xiriira dhibaatooyinka COVID-19. 6,072 Iowans ayaa u dhintey tan iyo bilowgii cudurka safka, 229 qof ayaa ku dhintey Gobolka Woodbury.

Waxaa jiray in kabadan 40 kiis oo cusub oo gobolka oo dhan ah iyo laba kale oo katirsan Degmada Woodbury.

Heerka waxtarka ee 14-tijaabada ah ee maxalliga ah wuxuu ka hooseeyaa heerka gobolka oo dhan 2%. Tani waxay muujineysaa faafitaanka bulshada oo hooseeya.

Saraakiisha ka socota Caafimaadka Degmada Siouxland ayaa sheegaya in tani ay noqon doonto wiiggii ugu dambeeyay ee dhajinta maalinlaha ah ee warbixinnada COVID-19.

Macluumaadka gobolka oo dhan wali waxaa laga heli karaa dashboardka gobolka marka laga reebo isbitaalada deegaanka.

Xilligan waxaa jira afar bukaan oo qaba fayraska labada xarumood ee caafimaad ee magaalada Sioux City iyadoo labo ka mid ah lagu daweynayo COVID-19 oo keliya.

Caafimaadka Degmada Siouxland wuxuu wali bixin doonaa cusbooneysiin xilliyeed sida loogu baahdo.

Saraakiisha caafimaadka ee gobolka Iowa ayaa bilaabay olole suuqgeyn warbaahin fara badan ah oo lagu dhiirigalinayo in badan oo reer Iow ah inay qaataan tallaalka COVID-19.

Ololaha waxaa ka mid ah telefishanka iyo xayeysiisyada internetka ee muujinaya dhacdooyinka xagaaga ee Iowa. Tani waa in la xasuusiyo dadka is tallaalaya waxay soo xigan karaan inay dib ugu soo laabanayaan xaaladdii caadiga ahayd.

Gudoomiye Kim Reynolds ayaa usheegay suxufiyiinta usbuucii la soo dhaafay in aysan ku dari doonin dhiirigelin sida bakhtiyaanasiibka tallaalka sida gobolada qaar ay sameeyeen.

Ku dhowaad 1 dhibic 4 milyan oo reer Iow ah ayaa si buuxda loo tallaalay. Taasi waa qiyaastii boqolkiiba 45 wadarta guud ee dadweynaha.

Waaxda Asluubta ee Iowa waxay ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto booqashada shaqsi ahaaneed horraantii Luulyo maxaabiistaas oo si buuxda looga tallaalay COVID-19.

In kabadan 58 boqolkiiba kuwa kuxiran xabsiyada Iowa ayaa lagu soo waramey in si buuxda loo talaalay halka 62 boqolkiiba laga soo sheegey inay qaateen hal talaal.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content
  • Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Iowa ma soo warineyso dhimasho dheeraad ah sababo la xiriira dhibaatooyinka COVID-19. 6,072 Iowans ayaa u dhintey tan iyo…