A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Ma cadda sababta ay Iowa u heli doonto qadar yar oo ah tallaalka coronavirus-ka marka loo eego marki

Ma cadda sababta ay Iowa u heli doonto qadar yar oo ah tallaalka coronavirus-ka marka loo eego markii hore ee ay ballan qaaday dowladda federaalka.

Laakiin gobolka ayaa horay ugu sii soconaya qorshayaal lagu dejinayo xayiraadaha, iyadoo la soo sheegayo ku dhowaad 100 dhimasho dheeraad ah.

Waaxda Iowa ee Caafimaadka Dadweynaha ayaa soo saartay bayaan fiidnimadii Arbacada oo sheegaysa in qoondaynta gobolka la dhimi doono ilaa 30%.

Bayaanka ayaa lagu xusay in qeybinta sidoo kale hoos loo dhigay gobolada kale. Hay'addu ma aysan sharraxin sababta qoondayntu u yaraanayso.

Iowa ayaa ka warbixisay dhimashada 97 dheeraad ah maalintii Khamiista iyadoo tirada dhimashada gobolka ay korortay oo ay gaadhay 3,451. In ka badan 262,000 ayaa laga helay cudurka, oo ay ku jiraan 70 kale oo ka tirsan Gobolka Woodbury. Waxaa jirey 151 dhimashooyin ka dhacay Degmada Woodbury. Isbitaalada gudaha ayaa ku dhacay 59 ka dib markii ay sare u kaceen seddex lambar laba todobaad ka hor.

Afartan ka mid ah gobolka Iowa ee 99-ka degmo ayaa haatan leh celcelis togan oo wanaagsan labadii toddobaad ee la soo dhaafay oo ka badan 15%.

Gobolka Ida ayaa leh heerka ugu sarreeya ee dhanka wax-qabadka ee waqooyi-galbeed Iowa ku dhowaad 23%.

Degmada Woodbury ayaa waxyar uun hoos uga dhacday 16.4%.

Saraakiisha Nebraskans waxay ku dhiirrigelinayaan dadka inay tixgeliyaan in laga baaro coronavirus ciidaha ka hor haddii ay qorsheynayaan inay arkaan qoys ballaaran.

Sarkaalka caafimaadka ee gobolka ayaa sheegaya in tani ay ku dareyso lakab dheeraad ah oo ilaalin ah kuwa qorsheynaya inay isu yimaadaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, celceliska toddobada maalmood ah ee kiisaska cusub ee maalin kasta ku dhaca Nebraska ayaa hoos uga dhacay ku dhowaad 1,800 illaa 1,200 oo kiisas cusub maalin kasta Arbacada.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content