A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations
News and resources regarding COVID-19

Tirada kiisaska coronavirus ee la xaqiijiyay ee Iowa maalintii la soo dhaafey waxay sare u dhaafeen

Tirada kiisaska coronavirus ee la xaqiijiyay ee Iowa maalintii la soo dhaafey waxay sare u dhaafeen 1000 iyada oo 18 kalena ay u dhinteen.

Gobolka ayaa sidoo kale soo wariyay in kororka dadka lagu daweynayo isbitaalada fayraska ay sii socdeen, iyadoo 390 qof ay hada jiifaan isbitaalada, oo ay ku jiraan 63 labada isbitaal ee Magaalada Sioux. Taasi waa koror sideed ah hal maalin. Waxaa jiray hal dhimashoo kale oo ka dhacay Gobolka Woodbury oo ay ku dhinteen 68 dhammaantood iyadoo 41 kiis oo cusub maanta la diiwaan geliyey. Heerka waxtarka leh ee 14-maalmood ee Degmada Woodbury waa 15%.

Waxaa jira 15 kiis oo cusub oo ka jira Degmada Dakota.

Tirada dadka isbitaalka la seexiyay ee COVID-19 ee Nebraska weli wey sarreeysaa iyadoo gobolku sii wado inuu soo wargaliyo boqolaal kiisas cusub maalin kasta.

Si kastaba ha noqotee, tirada isbitaalada ayaa wali ka hooseeya meeshii ugu saraysay ee guga la dhigay.

Nebraska waxay si rasmi ah u siin doontaa caymiska caafimaadka ee la ballaariyey dadka dakhligoodu hooseeyo ka dib sannado badan oo dagaallo siyaasadeed ay ka socdeen Sharci dejinta.

Gobolku wuxuu bixin doonaa caymis kabadan 10,000 oo deganeyaal ah oo isdiiwaangaliyay ilaa iyo hada, tiro kudhowaad kudhisan odoroska gobolka. Saraakiisha gobolka waxay filayaan in tirada la diiwaan geliyay ay kor u kacdo oo ay gaarto ilaa 90,000 sanado gudahood. Nebraska waxay ka mid ahayd dhowr gobol oo muxaafid ah halkaasoo xildhibaanada gobolka iyo gudoomiyayaashu ay diideen inay balaariyaan Medicaid, kaliya waxay arkeen inay arintu u socoto codbixiyaasha.

Magaalo ku taal Monona County ayaa raaligelin bixisay ka dib markii calanka siyaasadeed ee muujinaya taageerada madaxweyne Donald Trump laga soo daad gureeyay hantida magaalada xalay (Talaado).

Sawir ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya calanka Trump oo lagu dhejiyay tiirarka nalka ee hareeraha waddada weyn ee Magaalada Ute. Qoraalkeeda wuxuu muujinayaa taageerada madaxweynaha.

Magaaladu waxay ku qortay baraha bulshada in calamada laga saaray oo aysan magangalinin magaalada.

 

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content