Halima Osman

Somali News

Mar 31, 2021

Tallaallada COVID-19 ayaa usbuuca dambe u furmaya dhammaan saddexda gobol ee Siouxland.

Gobolka Nebraska wuxuu qorsheynayaa inuu u oggolaado qof kasta oo 18 sano ama ka weyn in la tallaalo laga bilaabo Isniinta, Abriil 5teeda.

  

Dadka degan Degmada Woodbury ee 16 jir iyo wixii ka sareeya ayaa hada awooda inay isdiiwaangaliyaan talaalka coronavirus. Deganayaashu hadda way iska qori karaan xarumaha soo socda ee tallaalka COVID-19 ee lagu qaban doono Talaado, Abriil 6th, iyo Khamiista, Abriil 8th Xarunta Siouxland Expo Center. Waxaad iska diiwaan gelin kartaa khadka tooska ah ee Waaxda Caafimaadka Degmada Siouxland oo ah siouxlanddistricthealth.org

Dadka degan Degmada Woodbury waxay bilaabi karaan inay isdiiwaan geliyaan xarumaha soo socda ee talaalka COVID-19 berri 3:00 galabnimo. Xarumaha caafimaadka waxaa loo qorsheeyay Talaado, Abriil 6th, iyo Khamiista, Abriil 8th Xarunta Siouxland Expo Center. Balanqaadyadu waxay u furnaan doonaan dhammaan dadka deegaanka ee jira da'da 16 iyo wixii ka weyn ee u baahan qiyaasta ugu horreysa ee tallaalka. Xarumaha caafimaadku waxay isticmaali doonaan tallaalka Pfizer.