A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Tirada kiisaska COVID-19 iyo isbitaalada la dhigaayo waxay ku sii jeedaan hoos u dhaca Degmada Woodb

Tirada kiisaska COVID-19 iyo isbitaalada la dhigaayo waxay ku sii jeedaan hoos u dhaca Degmada Woodbury. Laakiin saraakiisha maxalliga ah waxay leeyihiin dadku weli waxay u baahan yihiin inay si dhab ah u qaataan coronavirus-ka cusub.

Caafimaadka Degmada Siouxland wuxuu ka warbixiyay toban kiis oo cusub Isniinta iyo heerka tijaabada 14-maalmood ee 13.3%. Taasi waxay ka hooseysaa in ka badan saddex boqolkiiba dhibic usbuuc ka hor. Labada isbitaal ee Sioux City waxay daweynayaan 42 bukaan, taasi waa hoos u dhac ku saabsan 9% 7-maalmood gudahood, waxayna si aad ah uga yar tahay rikoorka ugu sareeya ee bukaanada 108 ee la dejiyay 1-dii Diseembar.

Warbixintii ugu dambeysay ee isbeddelka, saraakiisha caafimaadka ee Degmada Woodbury waxay ku soo warrameen in tallaalka COVID-19 uu hadda u baxayo xarumaha daryeelka muddada-dheer iyo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Waxay rajaynayaan in qiyaasaha ugu horreeya loo dhammayn doono kooxahan Febraayo 1deeda. Dadka deegaanka wali waxaa lagu dhiiri galinayaa inay sii wadaan dadaalada lagu caawinayo xakamaynta fayraska.

(Dhacdadani waxay bilaabmaysaa 7 saac ee habeenka Isniinta, sheekada waxaan ku qoray waagii hore waayo maan hubin goorta warka maanta la dirayo)

Bandhig faneed sanadle ah oo lagu xusayo Martin Luther King, Jr Day ayaa caawa dhacay.

Koox yar ayaa soo bandhigtay muusig, qoob ka ciyaarka iyo khudbado diirada lagu saaray nolosha u dhaqdhaqaaqaha xuquuqda madaniga ah iyo baahida loo qabo in bulshada ay joojiso cadaalad darada isirka.

Dhacdada waxaa loo duubay si loo daawado dambe.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content