A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Somali News 05.18.21

Waxaa jiray toddobo kiis oo cusub oo ah COVID-19 oo lagu daray tirinta Gobolka Woodbury Isniintii. Heerka waxtarka ee 14-ka maalmood ayaa hoos ugu dhacay 2.8% iyadoo shan qof laga daweeyay viruska magaalada Sioux City. Caafimaadka Degmada Siouxland wuxuu hadda qaadaa ballamo tallaal oo loogu talagalay dadka 12 sano iyo wixii ka weyn

Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Iowa waxay soo bandhigtay 86 kiis oo cusub oo ku saabsan cudurka cusub ee coronavirus-ka ee gobolka oo dhan iyadoo ku dhowaad shan milyan oo wadarta tijaabooyinka la sameeyay ah tan iyo bilowgii cudurka faafa.

Badhasaabka Nebraska Pete Ricketts ayaa saadaalinaya inay caadi ku soo noqon doonto dugsiyada K-12 ee gobolka dayrta ka dib sanad xayiraad coronavirus oo ay ku jiraan maaskarada oo lagu xidho fasalada iyo barashada fog. Ricketts wuxuu sheegayaa in gobolku u muuqdo inuu kujiro qaab wanaagsan dadaalkiisa talaalka iyo isbitaalada laxiriira viruska, oo hada hoos ugadhacay 100 wadanka oo dhan. Wuxuu ku dhiirrigaliyay Nebraska ardayda cusub ee ka qalin jabisay dugsiga sare inay is tallaalaan haddii aysan horey u sameyn. Wuxuu kaloo taageeraa carruurta yar yar ee la tallaalayo.

Amarka daadgureynta ayaa wali ku harsan qeyb ka mid ah waqooyiga-galbeed ee magaalada Iowa iyadoo dab-demiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii ay u demin lahaayeen tareen gubanaya ka dib cillad-darrada usbuuc dhammaadka Qiyaastii 47 baabuur ayaa ka leexday galabnimadii Axadda meel u dhow Sibley (sib-lee), oo ay ku jiraan dhowr baabuur oo siday walxaha halista ah. Union Pacific ayaa sheegay in sababta keentay cillad bixinta ay wali ku socoto baaritaan, laakiin goob joogayaal ayaa soo sheegay in buundo ay ku soo duntay tareenka hoostiisa.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content