A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations
News and resources regarding COVID-19

Saraakiisha caafimaadka ee Iowa waxay ku howlan yihiin sidii ay isugu dayi lahaayeen inay ogaadaan

Saraakiisha caafimaadka ee Iowa waxay ku howlan yihiin sidii ay isugu dayi lahaayeen inay ogaadaan waxa dhaliyay kororka kiisaska coronavirus ee waqooyiga-galbeed Iowa.

Dhowr degmo ayaa ku soo badanaya kiisaska cusub. Guddoomiyaha gobolka Kim Reynolds ayaa sheegay in uusan jirin cudur gaar ah oo dilaaca.

Dhibaatooyinka COVID-19 ayaa siddeed qof oo kale ku dilay Iowa 24-kii saac ee la soo dhaafay. Waxaa jira in kabadan 850 kiis oo cusub oo togan oo gobolka oo dhan ah.

Tirada guud ee baaritaanada togan ee kor u dhaafaya 82,000 iyo 1,293 ayaa u dhintey tan iyo bilowgii cudurka safka, oo ay ku jiraan 63 oo ka tirsan Degmada Woodbury. 73 kale ayaa naftooda ku waayey Siouxland fayraska awgiis.

Warbixintii ugu dambeysay ee Aqalka Cad ee loo yaqaan 'Coronavirus Task Force' ayaa lagu ogaaday in Iowa ay wali ku jirto aagga casaanka markay tahay kiisaska cusub ee COVID-19.

Warbixinta ayaa la sii daayay Axadii.

Warbixinta ayaa ku celisay talobixinteedii hore ee ahayd waji-furka maaskarada oo dhan si looga caawiyo ka hortagga gudbinta. Tani waa wax Guddoomiye Reynolds uu si isdaba joog ah u diiday inuu sameeyo, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid aan loo baahnayn.

Gobolka Iowa wuxuu ku dhawaaqay abaalmarino la siinayo 65 hay'ad iyada oo loo marayo Sanduuqa Horumarinta Shaqaaleeyaha ee Coronavirus Relief Fund.

Barnaamijku wuxuu ka caawiyaa ganacsiga maxalliga ah, kuwa aan macaash doonka ahayn iyo iskuulada tababarro iyo waxbarasho loogu talagalay dadka Iowans ee uu saameeyay cudurkan. In kabadan 4 milyan oo doolar ayaa lasiiyay. Afarta koox ee Siouxland waxay heleen wadar ka badan $ 192,000 iyada oo loo marayo barnaamijka deeqda, oo ay ku jiraan Mary J. Treglia Community House ee Magaalada Sioux.

 

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content