A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations
News and resources regarding COVID-19

Laba maalmood oo isku xigta, tirada dhimashada ee Iowa sabab u ah COVID-19 ayaa sii kordhaya

Laba maalmood oo isku xigta, tirada dhimashada ee Iowa sabab u ah COVID-19 ayaa sii kordhaya. Shir jaraa’id subaxnimadii Khamiista, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Iowa Kim Reynolds sheegay in 14 qof ay dhinteen. Waa qaddarka ugu badan ilaa bilowgii aafada. Maalin ka hor, gobolka ayaa soo sheegay dhowr iyo toban dhimasho.

Waxaa jira 302 xaaladood oo togan oo cusub oo ka badan 7,100.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xitaa iyada oo loo marayo qaybo ka mid ah gobolka ay ka furi doonaan awood xaddidan laga bilaabo berri iyada oo ay tiri fayrasku meel walba ma tagayo goor dhow.

Tirada kiisaska togan ee aagga Magaalada Sioux City Metro ayaa kor u kacay in ka badan 1,600.

Maalinta Isniinta, goobta TestIowa ayaa laga furi doonaa Woodbury County. Xubnaha Ilaalada Qaranka ee Iowa ayaa dejiyay goobta ay ku yaalliin jaamacadda Western Iowa Tech Community College.

The Diocese of Sioux City wuxuu leeyahay tijaabinta waxay usameyn kartaa horaanta usbuuca soosocda dadka degan iyo shaqaalaha hoyga howlgabka ee Holy Ghost ka dib markii labo xubnood oo ka tirsan shaqaalaha ay tijaabinayeen cudurka COVID-19.

Tyson Fresh Meats waxay si ku meel gaadh ah u hakineysaa wax soo saarka laga bilaabo Jimcaha ilaa Isniinta oo ka socota warshadda hilibka lo'da ee Dakota City. Shirkadda waxay qorsheyneysaa inay si qoto dheer u nadiifiso warshadda.

4,300 shaqaalaha ka shaqeeya warshadda wali waa la siin doonaa lacag.

Tyson wuxuu leeyahay Ilaalada Qaranka ee Nebraska waxay ka caawineysaa tijaabinta shaqaale badan.

Coronavirus-ku wuxuu sii wadaa inuu kaxeeyo lambarrada shaqo la aanta ee sare ee Iowa.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ku dhawaad ​​29,000 shaqaale ah ayaa gudbiyay sheegashooyin bilow ah oo loogu talagalay kaalmada shaqo la'aanta, in kabadan usbuucii ka horeeyey wadarta guud ee 170,000.

Wadarta guud ee waxtarka lagu bixiyay Iowa usbuucii hore waxay kor u dhaaftay 50 milyan oo doolar.

 

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content