A Station for Everyone
Play Live Radio
Next Up:
0:00
0:00
0:00 0:00
Available On Air Stations

Iowa waxay gaadhay taariikhdii dhimashada 5000 ee maanta. Waxay ahayd 24-kii Maarso, 2020

Iowa waxay gaadhay taariikhdii dhimashada 5000 ee maanta. Waxay ahayd 24-kii Maarso, 2020, markii Waaxda Caafimaadka Bulshada ee gobolka ay xaqiijisay geeridii ugu horreysay ee COVID-19 ee Iowa.

Tirada dhimashada ayaa taagneyd 5,033 ilaa 10-kii subaxnimo ee maanta, iyadoo 58 kale oo dheeri ah la soo sheegey 24-kii saac ee la soo dhaafey, qaar ka mid ah ayaa la xaqiijiyey maalmo ama xitaa todobaadyo ka hor. tallaal. Laakiin gobolku wuxuu ku dhowyahay xagga hoose ee liiska markay tahay helitaanka tallaalkaas. Kuwa xaqa u lihi waxay ku adagtahay helitaanka ballan. Maanta, shirkeedii jaraa'id ee toddobaadlaha ahaa, Guddoomiyaha Gobolka Iowa Kim Reynolds waxay ku sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa tallaal badan. Reynolds ayaa sheegtay in saraakiisha gobolka ay eegayaan sababta ay Iowa u leedahay mid ka mid ah heerarka ugu hooseeya ee tallaalka qofkiiba ee dalka ku nool.

Iowa oo u guureysa talaalka kuwa ku jira wajiga 1-b, waxay ku dhowdahay dhanka hoose ee dalka tirada ugu badan ee talaalada la qaato iyo waliba qoondeynta talaalkeeda.

Reynolds waxay sheegaysaa in saraakiisha gobolka ay gaarayaan gobolada iyo bixiyeyaasha caafimaadka si loo ogaado waxa gaabinaya howsha talaalka.

Reynolds ayaa sheegtay inay sidoo kale ka shaqeyn doonto abuurista ama ka faa'iideysiga xarun wicitaan tallaal oo dhexe si ay u bixiso macluumaad ku saabsan tallaalka COVID-19. Xarunta wicitaanku, ayuu yidhi Reynolds, waxay si gaar ah waxtar ugu yeelan doontaa dadka waaweyn ee Iowans ee aan khadka tooska ah ugu xirnayn.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale kahadashay adeegsiga fikradaha gudigeeda latalinta dhaqaalaha si kor loogu qaado helitaanka iyo tayada daryeelka caruurta iyo hagaajinta iyo balaarinta fursadaha guryaha.
Madaxweyne kuxigeenka Fulinta ee Rugta Ganacsiga Siouxland Barbara Sloniker ayaa kujirta guddiga waxayna kahadashay qaar kamid ah yoolalka ay maanta kaheleyso shirka jaraa’id ee gudoomiyaha. Slonicker wuxuu leeyahay shaqo-bixiyeyaasha ayaa sheegaya in ballaarinta marin u helka xanaanada cunugga ay muhiim u tahay dhismaha shaqaale xirfad leh. Oo Siouxland waxay la il daran tahay daryeel la'aanta carruurta ee la awoodi karo.

Sloniker wuxuu sheegay in Siouxland ay aragtay hoos u dhac 31 boqolkiiba tirada xanaanada caruurta ee la heli karo tan iyo sanadkii 2015. Dhanka kale, waxaa sidoo kale jiray 10 boqolkiiba koror shantii sano ee ugu dambeysay qarashka usbuuclaha ee canug yar oo ku jira guriga horumarinta cunugga. Iyo koror boqolkiiba 16 ah oo loogu talagalay dhallaanka ku jira xarun shatiyeysan.

Reynolds wuxuu kaloo ballanqaaday inuu Iowa ka dhigayo hoggaamiye caalami ah ballaadhinta miyiga illaa 2025.

Halima joined MJTCH this year as a Service Coordinator. Working specifically with the English Language Learner program, Halima assists teachers in the placement of students based on testing scores, tutors pre-literacy students, maintains student records, and updates the attendance data. Halima is bilingual with Somali as her first language.
Related Content